warar deg deg ah ayaa ka imqanaya kismaayo

FB_IMG_1540730903968.jpg

Dagaal Kismaayo ka qarxay iyo Axmed Madoobe oo weeraray beel ku kacsan

Waxaa lagu soo warramayaa in magaalada Kismaayo uu dagaalkulul ku dhexmaray Maleeshiyaadka daacadda u ah Axmed Madoobe iyo Beesha Cawlyahan oo ku kacsanaa xukunkiisa.

Sida ay Caasimadda Online ugu warrameen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay, Axmed Madoobe oo wata Maleeshiyaad aad u hubeysan ayaa weeraray xaafadda Dalcadda ee u dhaw madaarka Kismaayo, halkaas oo ay isku farasaareen ciidamo u badan beesha Cawlyahan.

Ilaa iyo hadda khasaaraha la xaqiijiyey ayaa lagu sheegay afar dhimasho ah oo beesha la weeraray ah walow aan la ogeyn dhinaca Maleeshiyada Axmed Madobe waxa soo gaaray.

Lama oga ujeedka uu Axmed Madoobe u weeraray maanta beesha Cawlyahan walow la fahansan yahay in ay diidan yihiin maamulkiisa magaalada Kismaayo.

Beesha Cawlyahan ayaa ka mid ah beelaha Ogaadeen ee Axmed Madoobe uu ka dhashay. Axmed Madoobe ayaa kasoo jeeda jufada Reer Cabdulle ee Ogaadeen.

Axmed Madoobe oo hore uga tirsanaa Al Shabaab ayaa markii dambe qabsaday Kismaayo oo uu ka dhisay maamulka Jubbaland ee aan xataa Goobweyn gaarsiisneyn, isaga oo gacan ka helaya dowladda Kenya.

By Abdikadir Adan cali

Advertisements

Waano waalid somaliyeed

Rod-Mclean-portrait-of-a-old-african-man-in-white-scarf

Ragoow ku dadaala 10 si aad u heshan 10 ka muhimsan”

Waa dar daaran Odey Soomaaliyeed kula dardaarmay wiilkiisa ah Xilli uu guur isku qaban qaabinayey, una sheegaayo in uu toban muhiim ah sameeyo si uu u helo toban ka muhiimsan, si qoyskiisa u gaaro baraaro.
Hadaba waxaan u soo qaadanay dar daarankaan in ay ka faa’ideystaan, dardaarankaan oo muhiim u ah dhamaan Raga Soomaaliyeed meelkasto oo ay joogaan, kuwa hada xaasaska leh iyo kuwo hada doonayo in ay lamaanayaashooda la aqal galaan, hadii aad dardaarankan si fiican u dhuuxdo waxaa kaaga soo bixi doona aqristoow muhiiimmadda iyo doorka uu odeyga reerka ka ciyaaro jiritaankiisa iyo habsami u socodkiisa.
Waxaan u soo qaadanay Dardaaran kadib markii aanu aragnay muhiimmadda uu u leeyahay qoysaska soo maaliyeed oo beryahan dambe kala dambayn iyo wax istixgalin ah ka jirin, furiinkane marti u ah inta badan, Hadaba aan idiin kala baxo adinka iyo iyo Dardaarankii caaqibada lahaa.

1. Isku muuji xaaskaada , una cadee jaceylka aad u qabto, hana ka bakhaylin xaaskaada in aad dhahdo aad ayaan kuu jeclahay, si aad ugu guulaysato hanashada nafteeda.

2. Iska ilaali go’aanka adaga haweenku waa ay neceb yihiin raga go’aanka adag, isku in aad u jilicsanaato, arrinkastane waqtigeeda ku beeg, si aad u hesho kalsooni xaaskaada.

3.Dheh hadalka macaan xaaskaada, haweenka waxa ay jecel yihiin muuqaal wanaagsan, labis qurxan, udag fiican iyo hadalka macaan wiilkeygiyow dumarku waxay jecel yihiin in nimankooda ay ka helaan hadal macaan, kuna dadaal nadaafada si aad u hesho soo dhawayn aan la heli Karin.

4. Hooyga waa boqortooyada hawaneeyda oo ay guud ahaan ka taliso, ayadoo ku dhex dareento lamaantaada in iyada xukunto oo ay marwo ay ka tahay, iska ilaali in aad burburiso boqortooyadaas, u sii xuriyad in ay ka taliso hoyga, si aad u hesho soo dhawaynta aabanimo aad mudan tahay.

5. Ku dadaal xaaskaada iyo qoyskeeda in aadan isku mid ka dhigto, sababtoo ah Xaaskaada waxa ay jeceshahay inay kasbato kalsoonidaada oo ay ku soo jiidato, qoyskeedana ay xiriiriso, hadii aad sameysane waxaa jiro doonta cadaawad iyo kalsooni daro, marka si aad u hesho degenaanta gurigaada iyo xushmad gaar ah tixgali inta awoodaada ah.

6. Haweenka waxaa laga abuuray feer qaloocan, waxaadna ogaataa in abuurka Allah aanu ceeb aheyn, hadaba hadii ay qalad daran oo araxan daro ah sameyso xaaskaaga, fadlan ku dadaal in aad hadal dabacsan ku toosiso qalooca jira, adigoo iska ilaalinaayo in aad jebiso qaloocii jiray, jabkana waxa uu noqonayaa furiin, aad ha u ad ad kaan aadna ha u jil jilicsanaan, si aad u hesho in uu qaladkii soo laabto ama sii socdo.

7. Haweenka inta badan waa fogeeyaan ehelka, hadii aad wanaag u sameyso mar markalena wax sibiq kaa dhahaan jawaabtu ay ku siin dooota waxa ay tahay “ weligaa wax wanaagsan kaama arag (sameyn)”, u dul qaado arrinkaa, hana u malayn naceyb oo aad ka cararto, si aad samirkaada wax ugu hesho, ugana badbaado in aad furto oo mid intaa ku haysano helo.

8. Ku dadaal in aad raalli u noqoto xilliyada ay daciifnimada la soo deristo, oo xitaa Allah ka cafiyey waajibaad badan, una noqo gargaar xiliyaga ay dhasho, una muuji deganaan hadii ay kugu carooto xiliga ay caadada qabto sababtoo ah waqtigaas xaaladooda ma degna, iskana ilaali in aad amaro badan siiso, sababtoo ah uma dulqaadan karto, si aad u hesho qalbigeeda iyo kalsoonideeda. waxyaabaha ay u baahan tahay , waa inaad xilligaasi aad yareysaa amarada aad siineysid.

9. ku dadaal in aad u dhimriso (naxariisato) xaaskaada sababtoo ah waa mid adi u hoos joogta ha ku xadgudbin , waa daciif ee garab qabo, hadal iyo ficilba, si ay kuugu noqoto raaxadii aad filaysay iyo raaliyadii naftaaada, xumane waligaa ha kaa qaabilin ileen dhar ayey kuu tahay adne dhar ayaa u tahaye.

Aqris wanaagsan asxaabey.

SHIRKII MADAXDA DOWLAD GOBOLEEDYADA UGA SOCDAY MAGAALADA KISMAANYO.

 

FB_IMG_1536227559385.jpgQudbadihii Xanafta lahaa ee Madaxda maamul goboledka ka jeediyeen shirka Dowlad goboleedyadda ee hadda Kismaayo ka socda.

Hadaladaan waa hadaldii Madaxda ay Ku hadleen. *Madaxweynaha HIRSHABEELLE* ”In koox yar is moodo in ay dadka ka caqli badan tahay, ka wadaniyeysan tahay, kana talo wanaagsan tahay, waxaana ku waayaynaa dawladnimada, Qowmiyada Soomaali-nimada lawaayo, Khatarta na dul-taagan waa halis weyn, Waa in badbaado deg deg ah la helaa, ”HALIS WEYN AYAAN DHEXDA U TAAGANAHAY’

*M/weynaha Puntland* ” DF iyo D.G xidid, Xigaalo midna maahan, waa shaqaale Ummadda Soomaaliyeed loo wada shaqeeyo, ayna tahay in laysku ixtiraamo, waana masuuliyad wadareed naga wada dhaxaysa, haddii aan la wada shaqeyna, Shabaab uun ayaa guusha qaadanaysa”

*Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland* ayaa cadeeyey in aan Soomaaliya riyo iyo been lagu maamuli karin, Sannadkii 2016-ka meeshii uu joogayna hoos uga sii dhacay, loona baahan yahay BADBAADO deg deg ah.

*Madaxweynaha Koonfur Galbeed* ”Ciyaarta haddii laysla heli waayo wey halowdaa, Shabaab looma adkaan karro Jidadka oo la xirto,laguna sugo caasumada.Dagaalka Shabaab wuxuu u baahan yahay dagaal waraha biyaha gaara, waa lays-ku hagranayaa dagaalka Al- Shabaab”

*Madaxweynaha Koonfur Galbeed* ”Hadii laysku dooranayo hal qof iyo hal cod, waan rabnaa, waa in aan cidna lagu dulmin, qolada joogtana in ay dantooda marsadaan maya, waa in aan laga shaqeyn Doorasho ummaddu ku kala tagto, Beesha Caalamka iyo DF waa in ay arrimahaas aad u eegaan”

*Madaxweynaha Koonfur Galbeed *’’ Hay`adaha DF Soomaaliya waa in qolo kasta shaqadeeda loo daayo oo aysan isku xadgudbin, Dareenka ay qabaan qolooyinka qaarkood shirkan kama soo baxayaan, rajo wanaagsan oo Soomaaliyeed ayaan ka shaqeynaynaa”

*Madaxwayne Abdiwali* ayaa yiri marna isma laheyn Abdikarim iyo Hassan Sheik ayaad deg deg ugu xiisaysaan

*Madaxweynaha Galmudug* ‘’Dawladdi Faderaalka ahayd ee aan aadka ugu shaqeeyey, waxay abaal iiga dhigtay WAA IN XAAF- Baxaa oo meesha laga saaraa, waa nasiib darro in maanta laga fakarayo ama kusoo ururtay XAAF ha baxo’’

*Madaxweynaha Galmudug* ’20 sanno ayaa Dastuurka laga hadlayaa, Xamar waxba kuma ansaxayaan miyaa, mar kasta Nairobi iyo Kasumo ayaa loola sii ordayaaye, maa dhulka la dhigo Dibu eegista Dastuurka, Ma garanayo cid dhamanaysa Dastuurkaas, mana dhamaanayo hadda iyo waqti dhawba, kaliya wuxuu xaqiiqo nooqnayaa marka Soomaalida gacanteeda lagu celiyo’’

*Madaxweynaha Galmudug* “Waxaan diyaarinay 10Kun oo Askari, oo aan u xareynay Si casri ah, oo aan hub rabin, laakiin raba oo kaliya Raashin iyo Dhaqaale, Haddii dawladda Faderaalka loo sheegana in waxa laga hadlayaa Somalia tahay iyo Kinasa tahayna ma kala jecla, waxay ku mashquulsan tahay dawlad gobaleedkee la dagaalanaa, kee cayrinaa kee noo haray, wasiiradii waa la mid, Taliyaashii ciidamadu waa la mid, Iyagii yar-yaraa ayaa hadda isku bilaabay oo meel adag isla maraya, Anaga waa nala kusoo wajahan yahay’’

*Madaxweynaha Galmudug* ”Garsoorkii dalka waa la burburiyey, waa in dawlad gobaleedyadu magacaabaan Guddiga Adeegga Garsoorka, Qolada Muqdishana dhahnaa war 4 soo magacowda”

*Xaaf* ”Afartii sanno labaa tagtay, Labadii shaqadu waa tagtay, warqadii lagu dooranayay Xildhibaanada waxaa ku qornaa 2 sanno ka dib waa in Xildhibaan kasta Xisbi noqdaa, Tallow yaa ku maqan ma ”XALIIMA” 2-da sano ee hartay waxaan u soo jeedinayaa Ummadda Soomaaliyeed, Dalka ha la badbaadiyo, HALA KACO oo GACMAHA ha laga qabto kuwa duminaya oo ha layskugu yimaado”

*Xaaf* ”Uganda hada waxay ka fakaraysaa oo dood ka leedahay in ay ciidamadeedu kala baxdo Soomaaliya, Haddii dawladii Asxaabta ahaa la waayay, haddii labadii sanno ku dhamaatay KANA SIIB kana SAAR, waxaan soo jeedinayaa In dalka la badbaadiyo oo la daba qabto, DALKU BADBAADO ayuu rabaa, CAALAMKA wixii lala wadaagi karo ha lala wadaago”

*Michael Keating* ”Welwelka aad qabtaan ee xagga Ammaanka ah wey la socotaa Qaramada Midowbay, sidaas oo kale halista Xagga siyaasadda ah waa mid taagan, ma lihi wax kasta wey khaldan yihiin, laakiin waxaan arkaa wax badan oo aan sax aheyn”

war deg deg ah

Deg Deg: Xildhibaanka Aqlabiyadda Baarlamaanka DFS Idriss Abdi Ahmed Taktar Oo Baaq u diray Xildhibaanada Baarlamaanka DFS & Guuxa Siyaasadeed Ee Jira.

Dhanka Kale Waxa Uu Kahadlay Shirka Kismaayo Madaxda Maamul Goboleedyada Uga Furmay “Waxaan Ku Tilmaami lahaa Nin Gobkiisa Biyo Ugu Soogaleen”

“Kursiga ayey Ku Badbaadsanayaan Waa Kursi Jaceel” Ayuu Siiraaciyey Hadalkiisa

urur ka ONLF oo war cusub soo saartey maanta

 

Jabhadda ONLF ayaa sheegtay inay iskaashi la samaysatay urur la yiraahdo Somali Regional Democratic Alliance, ayna samaysteen isbahaysi lagu magacaabo Somali Coalitition for Freedom.

Waxay sheegeen in isbahaysiga cusub uu ka shaqayn doono sidii loo sugi lahaa aaya-ka-tashiga dadka Soomaalida Itoobiya. Jaamac Buulle Jaamac ayaa isbahaysigan oo looga dhowaaqay London ka waraystay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ONLF Axmed Yaasiin Ibraahim

wararka aynu ka heleyno magaalada marka ayaa shegaya in howl galo dhalin yaro lagu soo qab qabtey ay ciidamada ka wadaa magaalada marka ee gobol ka shabeelada Hoose

 

 

FB_IMG_1534767920800.jpg

wararka ka imaanaya magaalada marka ayaavwaxay sheegayaan in Saaka iyo Marka caddeey,sidaas ayey ku waabariisatay.
sida sawirku uu idinka muuqdo waa dhalintii magaalada oo ay ciidamada ay soo wada xir xirteen.
Sida la sheegey magaalada ayaa waxa kasocda howl gal la sheegey in Amaanka magaalada lagu sugaayo.

weli ma jirto masuuliyin ka hadashay howl galka iyo waxaa uu ku saabsan yahay.

wixii cusub ee warar ah dib ayaan idin kala soo socod siin doona
Dhallintu waa dhibbaneyaal.

 

war deg deg ah

Shirar in mudo ah is daba socday oo qadka telfoonka ku wadayeelanayeen jaaliyadaha kasoo jeeda gobolka shabelaha hose ee ku nool Mareykanka, Canada, Ingiriiska, Norwey iyo Sweden ayaa xaley looga hadley arimo xasaasi ah. Shirkaasi oo ujeedadiisu aheyn in laga munaaqishoodo mashaakilaadka uu gobolka shabelaha hoose ku sugan yahay iyo sidii wax looga qaban lahaa waxaa la isla fahmay in ay jiraan qodobo badan oo caqabad ku ah gobolka shabelaha hoose kana hor taagan horumarka iyo nabada gobolka.